Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa manta  kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Dalka Denmark Ambassador Steen Sonne Andersen.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka  maamulka Somaliland iyo Dowladda Denmark, iyo arrimo la xiriira doorashooyinka dhowaan ka dhacay deegaannada Somaliland.
Kulanka Madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa ku wehelinayey, Wasiirka Wasaaradd Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Ciise Keyd Maxamuud iyo mas’uuliyiin kale.
Kulankaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Safiirka Dalka Denmark Ambassador Steen Sonne Andersen, ayaa imaanaya xilli dhawaan la filaayo in Soomaaliland ay Doorasho ka qabsanto.