Puntland oo wadatashi ugu yeertay xildhibaanada ku matala labada aqal ee baarlamaanka

Maamulka Puntland ayaa wadatashi ugu yeeray xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo lagasoo doorta degaanadeeda.

Xildhibaanadan ayaa lagu casuumay in ay kasoo qeyb galaan kalfadhigga baarlamaanka Puntland oo dhawaan ka furmaya magaalada Garowe, kaasoo arrimaha looga hadli doono ay qeyb ka yihiin, khilaafka Puntand iyo dowladda Federaalka.

Xildhibaan katirsan baarlamaanka oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho, ayaa soo dhoweeyay wadatashiga ay ugu yeertay Puntland, wuxuuna sheegay in xilligan aan laga maarman in maamul kaste uu xildhibaanadiisa wadatashi ugu yeero.

Si kastaba ha ahaatee, qaar kamid ah xildhibaanada lagasoo doortay Puntland, ayay si aad ah isku hayaan madaxweyne Deni. Waxayna taas beddelkeed taageersan yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa dhawaan sheegay inay Puntland ku khasaartay xildhibaanada ay Muqdisho u dirsatay, isagoo sheegay inuu ka raali galinayo inuu xildhibaanada isagu u xulay Puntland.

Lama oga in xildhibaanada labada aqal ee kasoo jeeda Puntland ay dhammaantood soo dhowayn doonaan baaqa wadatashiga oo kasoo baxay guddoomiyaha baarlamaanka Puntland.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed