Booliiska Somaliland oo war ka soo saaray danbiyadii sannadkan 2024

Booliiska Somaliland ayaa sheegay in 28,418 danbi ay ka dhaceen guud ahaan Somaliland sannadkan 2024.

Taliyaha hawlgalinta booliiska ayaa madaxweynaha Somaliland uga warbixiyay danbiyada dhacay sida dilalka, kufsiga, shilalka iyo caruurta la tuuray.

“Tirada guud ee danbiyadu waxa weeyi 28,418 danbi, markii la baadhay 4,842 ayaa caddaanwaayay, 10,840 ayaa heshiis ku dhamaaday, inta baadhis ku jirta waa 860, inta maxkamadadi go’aan ka gaadhay waa 11,876,  inta xukun ku dhacay waa 10,676, waxa gar suge ah 1,200” ayuu yidhi.

Waxa uu sheegay in tirada dilalku ay haayeen 68, oo ay gaysteen 68 gacan ku dhiigle, waxa uu sheegay in 62 gacan ku dhiigle la qabtay, halka ay baxsadeen 6 eedaysane.

Waxa uu sheegay in tirrada kufsiyada dhacay ay ahaayeen 321, kufsiyadaas oo ay galeen 343 eedaysane, oo ay ka mid ahaayeen ilaa 10 kufsi wadareed, waxa uu sheegay in 270 eedaysane la qabtay, isla markaana ay 73 baxsad yihiin.

Tirada shilalka baabuurta ayaa ahaa 7,18 shil,  oo sababay dhimasho dhan 188 qof, waxa uu sheegay in 4,454 ay ku dhaawacmeen shilalka, khasaaraha gaadiidka kasoo gaadhay ayaa dhanaa 3,525, sidookale 528 neef oo xoolo ah ayaa ku waxyeeloobay.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in 20 caruur ah oo la tuuray lasoo helay, kuwaasi oo 12 kamid ah nolol lagu gaadhay isla markaana la geeyay goobaha caruurta lagu xanaaneeyo.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed