Labada Aqal oo Dood ka yeeshay Miisaaniyada Dowlada

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga shanaad kulankiisa wadajirka ah ee sedaxaad.

Kulankaan ayaa wxaa shir Guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare, Cali Shacbaan Ibraahim oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa akrinta labaad ee warbixinta xisaab-xirka sannad maaaliyadeedka 2023-ka, ayaa marka hore mudanayaasha labada gole faahfaahin ka siiyay xisaabxirka 2023-ka xubnaha Guddiyada Maaliyadda labada Aqal ee Baarlamaanka, kuwaas oo soo bandhigay warbixin hubineed ku saabsan arrimaha xisaabxirka iyo isbarbar-dhig ay ku sameeyeen kutalagalka Miisaaniyadda 2023-ka iyo warbixinta xisaab-xirka dhabta ah.

Sidoo kale, Sanatarrada iyo Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo jeediyay aragtidooda ku aaddan warbixinta xisaab-xirka sanad maaaliyadeedka 2023-ka, qaladaadka ku jira iyo aragti kale oo wax ku ool ah.

Dhanka kale, Guddoomiye Cali Shacbaan ayaa faray guddiyada Maaliyadda labada Aqala ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  in ay qortaan aragtida Xildhibaannada, si ay ugu soo lifaaqaan akhrinta saddexaad.

Ugu dambayn, Guddoomiye Cali Shacbaan oo kulanka soo xiray, ayaa ku bogaadiyay Sanatarrada iyo Xildhibaannada sida wanaagsan oo ay uga qayb qaateen doodda akrinta labaad warbixinta xisaab-xirka sanad maaaliyadeedka 2023-ka, kuna soo bandhigeen su’aalo, aragti iyo talooyin kale oo muhiim ahaa.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed