RW ku xigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac oo xaadiray kalfadhigiisii ugu horreeyay ee Baarlamaanka

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac oo dhowaan ku sigtay in laga xayuubiyo xubinnimada Aqalka Sare Baarlamaanka 11aad Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xaadiray kulanka wadajirka ee ka qabsoomay Villa Hargeysa.

Saalax oo mooshin ka dhan ah maqnaashiyihiisa xad-dhaafka ah uu gudbiyay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waan waan ka galay in aan xilkaas laga qaadin, maanta ayuu tagay fadhigiisii ugu horreeyay tan iyo markii soo jeedinta laga gudbiyay.

Kulanka inta uusan billaaban oo lagu howlanaa xaadirinta Xildhibaannada iyo Senatarada maadaama ay lahaayeen kulan wadajir ah waxaa la arkayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac oo dhex socda Mudaneyaasha Baarlamaanka.

Dhinaca kale, Xildhibaannada & Senatarada Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dood ka yeeshay Xisaab-xirka Miisaaniyadda sanadkii lasoo dhaafay ee 2023 oo ay ku kala aragti duwanaayeen xubnihii hadlay ee katirsan Laanta Xeer-dejinta

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed