Madaxweynaha Xasan Shiikh iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Burundi.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa gaarey magaalada Bujumbura ee dalka Burundi, halkaasi oo uu kulamo kula yeelan doono dhigiisa Évariste Ndayishimiye.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Burundi oo kulan gaar ah ku yeeshay Mataxtooyada Burundi ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Burundi ay kaalin muuqato ka qaatay nabadda Soomaaliya, doorkooda aan la ilaawi doonin.

Dhinaca kale Madaxweynaha Burundi Évariste Ndayishimiye ayaa dowladda Soomaaliya ku ammaanay guulaha ay ka gaartay dagaalka AS, ku biirista Bulshada Bariga Afrika, Qaadista Cunaqabateynta iyo qodobo kale, isaga oo hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay garab siisay Burund xilli adag.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa safar maalintii shalay ku tagey dalka Uganda, waxaana la filayaa in uu booqasho ku tago dalka Jabbuuti.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed