Askari ka tirsan ciidamada PSF oo Bosaso lagu dilay maanta

Hal askari ayaa ku dhintay is-rasaasayn maanta oo Axad ah ku dhexmartay meel aan ka fogeyn Guriga Taliyaha ciidanka PMPF ee magaalada Boosaaso, ciidamada gaarka ah ee PSF iyo ciidanka ilaalada xeebaha Puntland ee PMPF.

Lama oga waxa sababay dhacdadan, walina wax war kama soo bixin talisyada labada ciidan, iyadoo askariga dhintay uu ka tirsan yahay PSF.

Labadan ciidan ee kawada tirsan Puntland ayaa waxaa soo kala dhexmartay dhacdooyin isku xig xigay oo dagaal ahayd kuwaas oo ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac wayadana ma wanagsanan xiriirkoodu.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed