Gudoomiye Cabdi Xaashi oo gudoomiyay Kulanka Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shir guddoomiyay kulanka todobaad ee Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare.

Kulanka ayaa waxa uu ajandihiisu ahaa, dib u qaabaynta ajandayaasha Golaha Aqalka Sare,  iyada oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye ku xigeenka koowaad  Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad   Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde).

Ugu horreyn waxaa warbixin looga dhagaystay Guddoomiyaasha guddiyada arrimaha Bulshada iyo Garsoorka, kuwaas oo faahfaahiyay halka ay marsiinayaan waajib gudashada hindise sharciyeedyada kala ah: Xeerka Shaqada Soomaaliya, sharciga Ilaalinta Xuquuqda Naafada.

Sidoo kale xubnaha guddiga joogtada ah ayaa dood iyo falanqayn  ka yeeshay jadwalaynta ajandayaasha kale ee Golaha horyaala, si looga shaqeeyo inta aan la xirin kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka 11.

Ugu dambeyn Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa bogaadiyay shaqada guddiyada ee Golaha Aqalka Sare, isaga oo go’aamiyay in la jadwaleeyo sharciyada Golaha horyaala, si loo gudo-galo ka doodistooda, maadaama waqti kooban uu ka harsan yahay xiritaanka kalfadhiga shanaad.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed