Turkiga oo SODMA ku wareejiyay Kaalmo bani aadamnimo

Dowladda Turkiga ayaa markab waday kaalmo badani aadamnimo ku wareejisay Soomaaliya iyada oo laga digayo abaarta ku dhufan karto Geeska Afrika si loo sameeyo kahortagga halista ka dhalan karta abaartaas.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa khudbad ka jeediyay munaasabad Danjiraha Turkiga uu kaalmadaan ugu wareejiyay Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka SODMA.

Saalax Axmed Jaamac ayaa tilmaamay in arrintaan ay tahay mid kahortag ah maadaama kolkii hore xaaladdu sidaan ka duwanayd oo ka dabatag ahayd isla markaana kaalmada la raadin jiray marka xaaladdu adkaato.

Kaalmooyin kale ayuu sheegay in ay dhabbaha kusoo jiraan si loogu keydiyo bakhaarada Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA leedahay looguna talagalay in lagu keydiyo kaalmooyinkaas.

“Markabkaan aad aragtaan waa mid kamid ah kaalmooyinka ka imaanaya Dalalka aan saaxiibada nahay sida Turkiga, Haddii dadka abaarta marka ay la kulmaan soo carari jireen hadda waxaa la sameeyay kahortag, waxa aan halkaan uga mahadcelinayaa walaalaheen turkiga oo cilaaqaadka naga dhaxeeya ku billowday gurmad bani aadamnimo” Saalax Axmed Jaamac, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca Beeraha ayaa dhawaan shaacisay digniin la xiriirta halista ka dhalan karta abaar salkeedu yahay hoos u dhac ku yimid waxsoosaarka beeraha Dalka balse loo baahan yahay in laga hortago.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed