Ollolaha Doorashooyinka oo Si Rasmi ah uga Bilaabmay Somaliland

Ollolaha doorashooyinka ayaa maanta ka bilaabmay guud ahaan Somaliland, ollolaha ayaa socon doona 22 cisho, iyada oo lasoo afmeeri doono 10 November.

Urur Siyaasadeedka Barwaaqo ayaa maanta lagu ibo-furay ollolaha doorashooyinka, iyada oo taageerayaasha ururku ay iskugu soo baxeen fagaarayaasha loo asteeyay ollolaha ee Somaliland oo dhan.

2 cisho oo kali ah ayaa loo asteeyay ururada cusub in urur kasta isku soo bax samaysto, tusaale ahaan ururka Barwaaqo hal maalin oo kale oo kali ah ayaa u hadhay, 19 October ayuu markale isku soobax samayn doonaa.

Sidookale, saddexda xisbi ee Waddani, Kulmiye iyo UCID oo iyagu u tartamaya doorashada madaxtooyada iyo doorashada ururada labadaba, ayaa la siiyay mid kiiba saddex cisho, oo uu isu soo bax samayn doono.

Dhinaca kale, waraaqaha codbixinta oo lagu soo daabacay dalka Ingiriiska ayaa saaka soo gaadhay madaarka Cigaal, doorashooyinkan  ayaa wakhtigoodii dib uga dhacay middo 2 sanno ah kadib khilaaf ka dhex taagnaa mucaaradka iyo muxaafadka.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed