Puntland oo ka hadlay shirka golaha wadatashiga qaran

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland, Ilyaas Lugatoor oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay si dhaw ula socdaan shirka golaha wadatashiga qaran ee ka socda Muqdisho.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in doorashooyinka dowlad goboleedyada in waqtigeeda lagu qabto lagana fogaado muddo kororsi.

“Waan bogaadinayaa Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe mawqifka uu ka istaagay shirka socda sida uu u diiday maqnaanshaha Puntland iyo Khaatumo, sidaasi ayaa laga rabaa madaxda kale ee dowlad goboleedyada” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland.

Hadalka Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa ku soo aadaya xilli maamulkaasi ka maqan yahay kulanka u socda madaxda wadatashiga qaran oo billaawaday maalintii arbacada, welina madaxda ka wada hadlayaan arrimo la xiriira xaaladda dalka.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed