Wasiir Axmed Fiqi: Masar & Eretareeya waxa aan kawada hadalnay gardarrada Itoobiya ”

Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa faah-faahin ka bixiyay kulamadii iyo shirarkii ka qabsoom Magaalada New York ee Dalka Maraykanka.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa dul istaagay kulamadii gaargaarka ahaa ee uu la qaatay Wasiirrada Arrimaha Dibadda Masar iyo Eretareeya oo ay kawada hadleen xadgudubka gurracan ee Itoobiya ku sameysay Dalkeenna.

Fiqi ayaa tilmaamay in Dalalka Masar & Eretareeya ay qireen in Garrada Itoobiya ay ku sameysay Soomaaliya ay kasii dari karto xaaladda iyo xiisadda ka taagan Geeska Afrika loona baahan yahay in Xal waara la helo.

“Masar & Eretareeya waxa aan kawada hadalnay gardarrada Itoobiya Dalkeenna ku sameysay, kulamada aan wada galnay ee muhiimka ah waxaa kale oo aan uga wadahadalnay xaaladda ay bariga Afrika” Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS Axmed Macallin Fiqi.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka dhiidhisay xadgudubka gurracan ee Itoobiya ku sameysay Madaxbannaanida, Wadajirka iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kaddib markii horraantii sanadkaan ay shaacisay heshiis ay la gashay Maamulka Somaliland.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed