Wasiirka Gaanshandhiga “Itoobiya haddii aysan ka laaban heshiiska badda kama mid noqon doonaan howlgalka cusub”

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay inuu dhawaan billaaban doono howlgal cusub oo badali doona ciidanka ATMIS.

Wasiirka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Itoobiya aysan qeyb ka noqon doonin howlgalka cusub AUSSOM, haddii aysan ka noqon heshiiska ay Itoobiya.

“Howgalgalka cusub ee AUSSOM dhowaan ayuu billaabanaya wuxuuna badali doona ATMIS,  Itoobiya kama mid noqon doonto haddii aysan ka laaban heshiis beenaadka ay la gashay Maamulka Somaliland” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya.

Isaga oo sii hadlaya ayaa waxaa uu sheegay in ay ciidamada xoogga ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay ka wadaan guud ahaan dalka.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed