Shirkii golaha wadatashiga qaran oo la soo Gabagabeeyay

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa meel xasaasi ah maraya, Madaxda ku mideysan Golahaan ee Federaalka, Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa diiradda saaraya arrinta la xiriirta Doorashada Dalka.

Sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo ku dhow Shirkaan, Madaxda Dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah kuwa Dowlad-Goboleedyada ayaa ku kala aragti duwan arrinta Doorashada sida loo dhigayo iyo maqnaashiyaha Dowlad-Goboleedka Puntland.

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dood ka dhigtay in si doorashada arrinteeda loo saldhigo in marka hore la keenno Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in wadashaqeynta Madaxda labada heer federaal iyo Dowlad-Goboleed lagu gaari karo Doorasho qof iyo cod ah oo guud ahaan Dalka ka dhici karto balse inta xubin kamid ah uu maqan yahay aanay suuragalayn.

Gunaanadka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa lagu wadaa in laga soosaaro warmurtiyeed ku saabsan waxyaabaha ay isku fahmaan Madaxda Federaalka iyo kuwa Dowlad-Goboleedyada.

Dadka sida dhow ula socda Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa sheegay in la muddeeyo wadahadalka Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedka Puntland, Madaxda kale ee Maamul Goboleedyada ayay u badan tahay in ay dhexdhexaadinta sameyn doonnaan.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed