MW Deni oo kormeeray dhismaha Dekadda Boosaso

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga Boosaaso, ayaa maanta kormeeray Dekadda Boosaaso gaar ahaan jenbiga cusub ee Dekadda lagu kordhiyey oo dhan 150m, Kaasi oo ay kusoo xiran karaan Maraakiibta waa weyn, sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu kormeeray jenbiyadii hore ee Dekadda oo dayactir ku socdo.
Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta Wasaaradda Dekadaha, Shirkadda DPWorld iyo Injineerada gacanta ku haya ballaarinta Dekadda Boosaaso.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed