MW Deni oo diyaarada gaar ah kaga soo dagay Boosaso

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ay siddey diyaarad gaar ah ayaa maanta ka degey garoonka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaana halkaasi ku soo dhoweeyey guddoomiye ku-xigeenka barlamaanka iyo xubno katirsan golayaasha kala duwan ee dowladda.
Inkastoo ay soo dhoweynta warbaahintu dibad joog ka ahayd haddana wararka ay heshay SBC ayaa sheegaya in madaxweynuhu kulamo la qaadan doono maamulka gobolka, kan degmada Boosaaso, saraakiisha ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Boosaaso.
Waxaa kale oo uu Madaxweyne Deni Boosaaso ku qaabili doonaa saraakiil katirsan Taliska Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM oo ay ka wada arrinsan doonaan howlgalka ay Puntland doonayso inay kusoo afmeerto kooxaha ku dhuumaalaysanaya buuraleeyda Bari iyo Sanaag.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed