Janaraal Asad: Waxa aan curin doonnaa qorsheyn Amni oo lagu saleeyay Cilmi & Khibrad

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Janaraal Asad Cismaan Cabdullaahi oo maanta ka hadlay shaqada cusub uu qabtay ayaa sheegay in uu kordhinayo kalsoonida Shacabka iyo Ciidamada ammaanka si sare loogu qaado nabadgalyada.

Janaraal Asad ayaa sheegay in qorshe cusub uu ku sugayo amniga dalka isaga oo meel weliba oo aanay joojin ciidamada Booliiska geynaya si wadashaqeyntooda iyo isku xirkooda uu u guuleysto sida uu hadalka u dhigay.

Asad ayaa Khudbadda uu jeediyay kusoo hadal qaaday in Ciidamada Booliisku keliya aanay noqon doonin kuwo ka dabataga dambiyada dhaca & Fulinta Sharciga balse kor u qaadi doonnaan kahortagga qataraha.

“Waxa aan curin doonnaa qorsheyn Amni oo lagu saleeyay Cilmi & Khibrad, Shaqadaydu kuma koobnaan doonto keliya ka dabatagga fal-danbiyeedyada iyo fulinta sharciga balse waxaan kor u qaadi doonaa ka hortagida qataraha si shacabkeennu nabad ugu noolaado” Ayuu yiri Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliiska Soomaaliya Janaraal Asad Cismaan Cabdullaahi.

Taliye Asad waxa uu hoggaanka u qabanayaa Hay’adda ugu faca weyn ee Ciidamada Soomaaliya, waxaa horyaalla howlo badan oo uu laf-dhabar u yahay sugidda Amniga, kahortagga iyo ka dabatagga dambiyada.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed