MW JFS oo Muqdisho ka daahfuray Shirweynaha 1aad ee hormarinta maalgashiga Beeraha Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka furay Shirweynaha looga hadlayo maalgashiga Beeraha Dalka si sare loogu qaado dakhliga gudaha iyo fursadaha shaqooyinka soo baxaya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya uu alle ku manneystay dhul-beereed baaxad weyn oo khayraatka ku jira badan yahay isla markaana u baahan in la helo fursado lagu maalgashado.

Shirkaan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS waxaa ka qeyb galaya wasiirada Beeraha Dowlad-Goboleedyada, Ganacsatada Maalgelisa Beeraha, Quburo caalami ah & Safiirro kala metalaya Dalalka Qaar ee Muqdisho safaaradaha ku leh.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha & Waraabka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in Yoolka uu yahay in Dalka uu gaaro isku filnaasho dhinaca cuntada ah.

“Shirka Beeraha yoolkiisu waxa uu yahay sidii aan u gaari lahayn isku filnaasho Cunto oo aan Caalamka wax u dhoofino, Soomaaliya waxa ay mar ku dhowaatay in ay heerkaas gaarto” Wasiirka Beeraha XFS Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Safiirrada iyo madaxda kala duwan ee ka qaybgashay shirkaan isla markaana khudbadaha ka jeediyay madasha ayaa bogaadiyay isbaddelka ka jira dhinaca horumarinta waxsoosaarka Soomaaliya taasina ay tahay fursad muhiim u ah oo looga gudbi karo dhibaatooyinka jira.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed