Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Daahfurey Jaamacada Dowladda Koonfur Galbeed, taas oo ay wax ku Baranayaan Bulshada ku nool Guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed.
Munaasabada Daahfurka Jaamacada waxaa Madaxweyne Laftagareen ku Wehlinayey Masuuliyiinta ka Tirsan Labadda Golle Dowladda, Maamulka Gobolka Baay, kan Degmada Baydhabo, Bahda Waxbarashada, La Taliyaasha Madaxweynaha iyo Marti Sharaf kale.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in ay waxbarashada ay muhiim loona baahanyahay in la helo aqoon jahliga loogu gaaro horumar.
โHaddii dadka aysan waxbaranin oo jahliga laga horumarin, oo aan aqoon la helin, adduunyo iyo Aakhiro waxa loo baahan yahay oo lagu badbaadayo waa aqoonta, sidaas oo ay tahay ayaa waxaan waqti badan gelinnay in waxbarashada dadka reer koonfur galbeed awoodda la isgu geeyo korna loo qaado.โ ayuu yiri, Madaxweyne Laftagareen.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa intaas ku daray in Jaamacadda Dowladda Koonfur Galbeed, si Bilaash ah ay wax ku Baranayaan Bahda Jacayl Waxbarashada ee ku nool Guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed.