RW Xamse oo la kulmay Amiirka leh dhaxalka dalka Kuwait, Sheekh Sabaax

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa xarunta Qaramada Midoobay ee New York kulan kula yeeshay Amiirka leh dhaxalka dalka Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid Al-Hamad Al-Mubarak.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Amiirka kulankooda waxa ay uga wada hadleen xoojinta cilaaqaadka iyo iskaashiga taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Kuwait, iyadoo Amiirku ugu hambalyeeyay dowladda Soomaaliyeed horumarka ay ka sameysay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed