MW Qoor qoor oo la kulmay safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa madaxtooyada ku qaabbilay safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya ee Soomaaliya Alper Aktas iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku yimid Dhuusamarreeb.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in labada Mas’uul ay ka wada hadleen  Labada dhinac ee xaaladda guud ee dalka.

Sidoo kale, kulanka ayaa looga hadlay arrimaha la xiriira dagaalanka ka dhanka ah Al-shabaab,  taageeridda kaabayaasha dhaqaalaha, sida Dekadaha iyo Waddooyinka.

Kulanka ayaa imaanaya xilli uu safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya ee Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku yimaadeen Dhuusamarreeb.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed