MW Siciid Deni “Nabad dhalinta Soomaaliya waxaa ku gedaaman in la helo Xal Siyaasadeed”

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo jeediyay in la raadiyo dhabbaha rasmiga ah ee lagu gaari karo xal siyaasadeed maadaama la doonayo in la raadraaco Nabad dhalinta Soomaaliya.

Deni ayaa sheegay in haddii la helo xal waara oo ka fog dan shaqsi ama Dad gaar ah in la gaari karo ujeedka guud si aanay looga tallaabin nidaamka Dowlad dhiska Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in caqabadaha heysta Soomaaliya ay kamid yihiin in ay jiraan Dano badan oo isku dhex yaacsan, duruufo iska hor imaanaya iyo gacmo badan oo ku dhex jira Soomaalida sida uu hadalka u dhigay.

“Nabad dhalinta Soomaaliya waxaa ku gedaaman in la helo xal siyaasadeed, haddii aan la helin xal siyaasadeed waligeed way nuglaaneysaa oo cid ayaa si kale uga faa’iideysanayo, waxaa loo baahan yahay in nidaamka Dowliga in meesha uu joogo lagu hayo oo aan loo ogolaan cid dooneysa in mar kale la kala furo” Ayuu yiri Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa gunaanadkii sheegay in Madaxda Soomaaliyeed ee heer Federaal iyo heer Dowlad-Goboleed la ilaaliyo waxa Dadka heshiisku ku yahay oo talada Dalka wadajir loo wada qaato sida uu yiri

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed