Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo ansixiyay magacaabista Safiiro cusub

MW Biixi “Xisbiga WADDANI, dagaalkii dhacay ee cadowgu isu-keen soo raacay, ninkii Qaranka khiyaameeyey wuxuu ahaa guddoomiyihii ay u doorteen wakiillada”

Kulanka Golaha oo uu shir guddoomiyay Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ugu horeyn lagu meel mariyay soo jeedin ka timid Wasaaradda arrimaha Dibadda oo ku aadaneyd magacaabista Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo daareed iyo Yuusuf Axmed Jeego oo loo magacaabay iney ka mid noqdaan danjirayaasha Soomaaliya ku matalaya dalalka caalamka.

Golaha Wasiiradda ayaa sidoo kale ansixiyey Siyaasadda habraaca Qaran ee warbixinta iyo dabagalka xuquuqul insaanka, taasoo muhiimad gaar ah siinaysa ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.

Kulanka Wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay warbixin faah faahsan oo la xiriirta dardargelinta qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), kaasoo lagu taageerayo horumarinta nidaamka dowliga ah iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

“Qorshahani wuxuu xoojinayaa isku xirnaanta hey’adaha dowladda, wuxuuna horseedayaa in la helo nidaam hufan oo lagula socdo fulinta iyo horumarinta siyaasadaha qaranka, iyada oo la hubinayo in dhammaan qorshayaasha iyo barnaamijyada dowladda ay waafaqsan yihiin yoolalka horumarineed ee dalka” ayaa lagu yiri qoraal laga soo saaray kulanka Golaha.

Waxaa sidoo kale kulanka Golaha Wasiiradda warbixino la xiriira xaaladda guud ee amniga iyo dadaalada lagu xasilinayo dalka ee ka dhanka ah kooxda Al-shabaab looga dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, kuwaas oo golaha ka hor sheegay in la xoojiyay qorshayaasha dalka looga ciribtiraayo Al-shabaab.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed