Maxaa looga hadlay Kulankii golaha shacabka ?

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan yeeshay ayaa akhrinta koowaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominaayay Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka   Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya   Xasan Macallin Maxamuud oo ay wehliyaan masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda ayaa  Golaha Shacabka faahfaahin ka siiyay Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed iyo muhiimada uu dalka u leeyahay.

Sidoo kale, Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa aragtidooda ka dhiibtay hindise sharciyeedkan, muhiimada uu leeyahay, iyaga oo talooyinkooda ku biiriyay, waxaana Xildhibaanada qaar ay su’aalo ka keeneen qodobada ku jira hindise sharciyeedkan oo uu ka mid yahay magaca hindise sharciyeedka.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow oo kulanka soo xiray ayaa amray in hindise sharciyeedkan lagu wareejiyo guddiga ku shaqada leh si uu usoo diyaariyo akhrintiisa labaad dibna Golaha ugu soo celiyo.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed