RW Xamsa oo daah-furay hawlgelinta xarunta Bangiga Dhiigga ee Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa daahfuray howlgelinta xarunta Bangiga Dhiigga Qaranka , isaga tilmaamay muhiimadda ay xaruntan u leedahay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan in la helo dhiig ku filan oo lagu badbaadin karo nolosha dad badan oo u baahan daryeel caafimaad oo degdeg ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in ay ummadda Soomaaliyeed ay mihiimad gaar u leedahay, Xarunta Bangiga Dhiigga oo ah mid casri ah oo laga hirgeliyey caasimadda,  sidoo kale, qalabka iyo Mishiinnada yaalla Bangiga Dhiigga ay yihiin kuwa casri ah oo aan yaallin guud ahaan Bariga Afrika gaar ahaan Soomaaliya.

“Qalabka iyo Mishiinnada qaarkood ee yaalla Isbitaalka dhiigga, waxay dhaqaatiirta noo sheegeen in aan laga heli Bariga Afrika laakiiin  Soomaaliya waa laga helay oo Bankiga dhiigga Soomaaliyeed ayuu yaallaa.” Ayuu yiri, Ra’iisul Wasaare Xamsa

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa booqday Isbitaalka Banaadir, halkaas oo uu kormeeray qaybta dhaqidda kelyaha oo la dhigay qalab casri ah, isla markaana si lacag la’aan ah, isaga oo sheeegay in ay dadka Soomaaliyeed uu dhib badan ka haystay Kelli dhaqista, iyada oo ay dadka qaar u dhiman jireen laakiin hadda xal loo helay.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyay dowladda Boqortooyada Sucuudi Carabiya oo gacan ka siisay hirgelinta iyo dib habeynta qaybahan caafimaad.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed