Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka “Soomaaliya dalalka dariska ayay kula tartami kartaa dalxiiska”

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta daahfuray Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya ayaa ka hadlay furssadaha Dalxiiska eek a furan Soomaaliya.

Saalax Axmed, ayaa tilmaamay in Dalxiiska uu Soomaaliya u noqon karo il dhaqaale, haddii la hagaajiyo kaabayasha, isaga oo sheegay in ay dadka u soo dalxiis tagi karaan cimilida iyo quruxda Xeebaha Soomaaliya.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in ay Soomaalida aysan u warheyn in laga faa’ideysto kheyraadka ku jira Badda gudaheed, haddii ay noqon lahayd Kalluunka, Nibiriga iyo kuwa kale oo Badda guduheeda ku jira.

“Haddii aan kaabayaasha hagaajinno dad badan ayaa Soomaaliya cadceedda qabo u soo dalxiis tagi lahaa, Baddaa aan annaga Kalluun kala soo bixi la’ nahay Malaayiin baa quusa oo daawada badda gunteeda.” ayuu yiri, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dalka

Sannad kasta maanta oo kale ayaa loo asteeyay Maalinta Dalxiiska Soomaaliya, waxaana lagu soo bandhigaa goobaha ku wacan dalxiiska dalkeenna iyo fursadaha Maagashi si loo hormariyo dalxiiska.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed