Musharixiinta Doorashada Madaxtooyada Somaliland oo la Guddoonsiiyay Shahaadooyinka Musharaxnimo

Koomiishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa shahaadooyinka musharaxnimo guddoonsiiyay musharixiinta madaxweynaha, xili uu meel sare marayo u diyaar garowga doorashooyinka isku sidkan ee dhici doona 13 November.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka sharaxan xisbiga Kulmiye, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo ka sharaxan xisbiga Waddani iyo Faysal Cali Waraabe, oo ka sharaxan xisbiga UCID ayaa saaka shahaadooyinka aqoonsiga musharixiinta u doontay xarunta koomiishanka.

Dhinaca kale, saddexda xisbi ee Kulmiye, Waddani iyo UCID, iyo todoba urur siyaasadeed oo kala ah Kaah, Hilaac, Barwaaqo, Rajo, Talo Wadaag, Shacabka, iyo Horseed  ayaa loo ogolaaday in ay ka qaybgalaan doorashada ururada oo ku lamaan doorashada madaxtooyada.

Ollolaha doorashooyinka isku lamaan, ayaa bilaabmi doona bishan soo aadan ee October, iyada oo musharixiinta saddexda xisbi ee hore u jiray ay si gaar ah ugu tartami doonaan xilka madaxweynaha, halka ay madaxda ururaduna isku dayi doonaan in ay ururadooda u raadiyaan cod gaadhsiiya xisbinimo.

Ollolaha ayaa hada u socda si dad badan iyada oo ay xisbiyadu xusul duub ugu jiraan kala jiidashada codbixiyayaasha iyo siyaasiyiinta saamynta leh, waxaana maalin kasta warbaahinta kasoo muuqda bulshooyin iyo siyaasiyiin ku biiraya xisbiyada iyo ururada kala duwan.

Kadib khilaaf sharci oo sababay in doorashooyinku ay 2 sannadood dib uga dhacaan wakhtigii loo asteeyay, qaar kamid ah waxgaradka Somaliland ayaa soo jeediyay xeer nidaamiyaha hada loo raacay qabashada doorashooyinka, iyada oo uu baarlamaankuna sharci kasoo saaray.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed