Puntland iyo Galmudug oo Hishiis kala saxiixday

Magaalada Gaalkacyo Xarunta Gobolka Mudug oo dhinacyadeeda Waqooyi & Koofur ay kala maamulaan Dowlad-Goboleedyada Puntland iyo Galmudug waxaa lagu soo gabagabeeyay shir muddooyinkii dambe u socday labadaas Dowlad-Goboleed.

Afar qodob oo muhiim ah ayay ku heshiiyeen Dowlad-Goboleedyada Puntland iyo Galmudug waxaana dhammaan qodobadaas ay ku biya shubanayaan Arrimaha Amniga, Ganacsiga & la socodka dhaqangalka heshiiskooda.

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhiggiisa Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor kala hadlay adkaynta qodobada ay isku fahmeen xubnaha labada Guddi isla markaana loo baahan yahay in la sameeyo Wasiirro kor joogteeya.

Halkaan ka aqriso Xaanshida lagu xusay qodobada ay ku heshiiyeen Puntland & Galmudug:

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed