Madaxda DFS & Mas’uuliyiin kale oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Ugaas Faracadde

Magaalada Barakaysan ee Makka Al-Mukarrama Boqortooyada Sacuudi Carabiya waxaa ku geeriyooday Allaha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde oo muddooyinkii dambe xannuunsanaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, Guddoonka Aqalka Sare iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka tacsiyeysay geerida Ugaas.

Qoraal lagu daabacay barta Villa Soomaaliya ayaa lagu muujiyay kaalinta uu Ugaaska ka qaatay dowlad-dhiska Soomaaliya, waxaana alle looga baryay in uu jannada geeyo, ehelkii uu ka geeriyoodayna sabar iyo iimaan alle ka siiyo.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi oo maanta ku geeriyooday magaalada Barakeysan Ee Makka Al-Mukarramah. Ugaasku wuxuu ahaa astaan iyo tiir weyn oo dhaqan, door muhiim ahna ka qaatay nabadeynta, isku xirka iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed” Ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia

Sidoo kale Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu yiri “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diray guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskiisa iyo dhaqanka Soomaaliyeed, geerida ku timid Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi (Fara-cadde) oo ka mid ahaa duubabka dhaqanka Soomaaliyeed ee facaweyn, muddo dheerna kaalin wax ku ool ah ka soo qaatay nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo dowlad-dhiska Soomaaliyeed.

Marxuumka oo Eebbe ku oofsaday Boqortooyada Sucuudi Carabiya,  waxaan Alle u weydiinayaa in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.”.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa dhankiisa Ugaaska ku sifeeyay “Innaa lillaah wa innaa ileehi raajicuun aniga oo ku hadlaya magaceyga, kan guddoonka iyo guud ahaan Xildhibaanadda Golaha Shacabka waxaan ehelada, qaraabadda iyo guud ahaan umadda Soomaaliya uga tacsiyadeynayaa geerida ku timid Illaahey ha u naxriistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade, Rabbi SWT naxtiistiisa jano haka waraabiyo dhamaaan ehelka, qaraabada iyo guud ahaam dadka Soomaaliyeedna samir iyo iimaam haka siiyo”.

Madax qaarkood xilal kala duwan Dalka kasoo qabatay, Dowlad-Goboleedyada iyo xubno kale oo ay ku jiraan duubabka dhaqanka ayaa ka tacsiyeeyay Geerida ku timid Allaha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed