Maamulka gobolka Bari oo go’aamo ka soo saaray amniga Bosaso

Xilli dhawaan ay Ciidamada PSF ee fadhigoodu yahay magaalada Boosaaso ay shacabka deggan garoonka iyo goobaha u dhaw ku amreen in ay guuraan ayaa waxaa tillaabadaasi ka hadlay Maamulka gobolka Bari.

Kulan ay isugu yimaadeen Maamulka gobolka Bari iyo saraakiisha ciidamada ayaa looga hadlay xaaladda amni ee magaalada Boosaaso, wararka la xiriira khalkhal galinta.

“Waxaan rabnaa in shacabka magaalada in ay ogaadaan in aysan jirin nabad galyo xumo, waxaan uga digeynaa dadka nabad galyo darrada abuuraya in ay ka fogaadaan” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdirisaaq Cali Saciid.

Sidoo kale, taliyaha ciidamada booliiska qeybta gobolka Bari ayaa sheegay in ciidamada amniga ay si buuxda uga shaqeynayaan amniga magaalada Boosaaso, isla markaasna ay hadda xaaladda deggan tahay.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed