Jaamacadda Carabta oo taageertay Madaxbanaanida Soomaliya

Wasiirka Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa shir guddoomiyey kulan gaar ah oo heer Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee Dalalka Carabta ee u xilsaaran taageerada Soomaaliya no lagu qabtay xarunta Jaamacadda Carabta ee Qaahira.

Shirkan on qeyb ka ahaa fadhiga 162-aad ee Shirka Jaamacadda Carabta ee heer Wasiirrada Arrimaha Dibedda, wuxuu xoogga saaray sidii loo xoojin lahaa garab-istaagga dalalka Carbeed iyo taageeridda Soomaaliya si loo difaaco madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Dalka.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu yiri
“Golaha waxaa ay gebi ahaanba ka digeen faragelinta shisheeye ama isku day kasta no lagu waxyeelleynayo madaxbannaanida Soomaaliya. Sidoo kale, Wasiirradu waxay ugu baaqeen wadamada deriska ah Gaar ahaan Itoobiya inay ka fogaato ficillada wax u dhimi kara xasilloonida Soomaaliya iyo mandiqadda ama waxyeeleyn kara Madaxbannaanida Dalka”

“Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, Baxrayn, Muritaaniya, iyo Masar on ay weheliyaan Safiirka Jabuuti u fadhiya Masar iyo Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa si wadajir ah u diiday heshiiskii beenaadka ltoobiya ay ku doonayso in ay qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya damaaciso, ayagoo dhanka kalena mawqifkooda ku caddeeyey in Gobolada Waclooyi (Somaliland) ay yihiin qeyb ka mid ah Dalweynaha Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed