RW Xamse Cabdi Bare oo gaaraya magaalada Baydhabo

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goordhaw gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka maamulka Koonfur Galbeed.

Wafdiga uu hoggaaminayo Raysal wasaaraha waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan maamulkaas iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

“Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa qayb ka ah dadaallada xoojinta wada shaqaynta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed. Iyada oo laga wada hadli doono dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, arrimaha siyaasadda, amniga, iyo horumarinta dhaqaalaha” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaare Xamse.

Warar aan la shaacin ayaa sidoo kale sheegaya in Raysal Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed ay yeelan doonaan saacadaha soo socda kulamo la xariira sidii loo mideyn lahaa aragtida kala duwan ee labada dhinac ka qabaan bixitaanka ciidanka Itoobiya ee jooga deegaanada maamulkaas.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa doonaya in ciidamada Itoobiya ay sii joogaan deegaanadooda, halka dowladda Federaalka Soomaaliya oo leh masuuliyadda guud ee dalka ay go’aan ku gaartay in ciidanka Itoobiya laga saaro howlgalka cusub ee badalaya ATMIS, hadii aysan ka laaban damaca guracan ay ku dooneyso qayb ka mid ah dhulka iyo biyaha Soomaaliya.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed