Somaliland oo xidhay Maktabadii Masaarida ee Hargaysa

Xukuumada Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay xidhay Maktabad ay  Masaaridu ku lahaayeen Hargaysa, iyadoo sheegtay in is afgaradkii ay la gaadhay Itoobiya uu guul kusoo dhamaaday.

Qoraal kooban oo lagu baahiyay bogga muuqbaahiyaha xukuumada Somaliland, ayaa lagu sheegay in guul laga gaadhay is afgaradkii Itoobiya.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday in la xidhay maktabaddii masaarida ee magaalada Hargeysa. iyada oo geesta kale na xukuumaddu sheegtay in uu guul ku soo dhammaaday isfahankii dawladaha Somaliland iyo Itoobiya”  ayaa lagu yidhi qoraalka.

Xukuumada Itoobiya oo shalay soo bandhigtay guulihii ay gaadhay sannadkii 2016 ee tirsiga Itoobiya, ayaa soo bandhigtay sawirkii Madaxweynaha Somaliland iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya xiligii ay saxeexayeen is afgaradka.

Bandhigan ayaa loo fahmay in Itoobiya ay ka go’antahay in ay hirgaliso heshiiska, oo wali aan rasmi noqon. Heshiiska labada dhinac ayaa sababay in uu xumaado xidhiidhkii dowlaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dhinaca kale, Somaliland iyo Itoobiya ayaa labaduba khatar u arka ciidamada Masar ee la filayo in ay yimaadaan Soomaaliya, iyadoo ay Somaliland ugu danbayn xidhay Maktabadii Masaarida ee Hargaysa.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed