RW Xamse oo si adag uga hadlay Damaca Itoobiya

RW Soomaaliya ayaa maanta sheegay in ay Itoobiya doonayso labo jid midkood in ay xoog ku qaadato Badda Soomaaliya ama in loo hirgaliyo damacoodii MOU-ga ay lagaleen Somaliland, xaalkuna halkaas marayo.
“Itoobiya waxay rabtaa in sidii ay u saxiixatay MOU-ga loogu daayo ama ay xoog ku qaadato, taas wax aan hayno majirto Itoobiyana halkaas ayay taagan tahay” ayuu yiri RW Soomaaliya.
Maalmo kahor, MW Xassan Sh ayaa sheegay in aysan Itoobiya dal ahaan u aqoonsaneyn Soomaaliya, 17-ka bishan ayay Soomaaliya markale Turkiga u tagaysaa lakulanka Itoobiya, iyadoo Badda dalkeena laga hadlayo.
Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa si xoogan u dhaliilay odayaal iyo Siyaasiin uu sheegay in ay bulshada iska horkeenayaan, in dalka la difaaco ayuu sheegay in ay waajibka 1-aad tahay.
Bulshadu, ayuu sheegay in markay is qabato ama lays qabto ayuu sheegay in la fashilmayo, ummadda Soomaaliyeed looga baahan yahay qaan-gaar.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed