Gudoomiye Cabdi Xaashi oo la kulmay Danjiraha Midowga Yurub

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Marwo Karin Johansson oo wehliyo ku xigeenka Danjiraha Midowga Yurub Thomas Kieller.

Guddoomiye Cabdi Xaashi  iyo Karin Johansson ayaa ka wada hadlay taageerada dhinacayada horumarinta ee Midowga Yurub uu siiyo Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan taageerada Baarlamaanka   Federaalka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale ay isla qaateen in Aqalka Sare oo ah Aqalka sida dastuuriga ah u metala dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya, ilaaliyana nidaamka Federaalka ah gacan lagu siiyiiyo gudashada waajibaadkaas.

Sidoo kale, Danjiraha ayaa bogaadisay shaqada ballaaran ee u qabsoontay labada aqal ee Baarlmaanka 11-aad ee Federaalka Soomaaliya oo ay ugu horreey Dib u eegista Dastuurka KMG ah, ka shaqaynta iyo meel marinta shuruucda kale ee uu ansaxiyay ama kuwa horyaala Labada Aqal Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Cabdi Xaashi wuxa uu sheegay in Guddiga Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee BFS uu haatan ku howlanyahay gaababaynta cutubyada 5 illaa 9-aad ee Dastuurka, isla markaana marka guddigu dhammeeyaan howshaasna ay horkeeni doonnaan fadhiyada Labada Aqal ee BFS.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed