Puntland oo eedeymo u jeedisay madaxda DFS

Puntland ayaa ku dhawaaqday in geeddi socodka dowladnimada Soomaaliya uu kusii dhacayo god dheer, iyada oo sababtaas u aaneeysay waxay ugu yeertay, siyaasad xumada dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheikh Mohamud.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Garowe, isagoo tilmaamay in dowladda Federaalka ay qaadatay siyaasad ka dhan ah cid kasta oo kasoo horjeeda, taasoo keentay in xiriirka u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada uu xumaado.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheikh inuu ku guuldareystay fulinta nidaamkii uu heshiiska kula ahaa isaga iyo dowlad goboleedyada, isagoo hoosta ka xariiqay in dowladda Federaalka ay joojisay mashaariicdii lagu taageerayay dowlad goboleedyada xulufaysiga la ahaa, taasoo saameyn taban ku yeelatay xiriirkoodii.

Wasiir Dirir waxa uu tusaale usoo qaatay maamulka Koonfur Galbeed, isagoo sheegay in dowladda Federaalka ay ku colaadinayso maamulkaas sababta ay u taageersan yihiin joogitaanka ciidamada Itoobiya. Waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed lagu eedeeyay inay ka shaqeynayaan howlo qaran dumisnimo ah.

“Waxaa muuqata in dowladda Federaalka ay ku dhaqmayso siyaasad aan la aqbali karin oo cid kasta oo ka soo horjeeda ku caburineysa,” ayuu yiri Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir. “Haddii aan wax laga qaban, waxaa jiri doona khatar weyn oo ka dhan ah dowladnimada Soomaaliya oo sii xumaanaysa.”

Puntland ayaa ku baaqday in dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka ay ka wada hadlaan arrimahan si loo soo afjaro xiisadaha jira, isla markaana loo xaqiijiyo nidaamka iyo dowladnimada dalka.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed