MW Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray dalka Shiinaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha, halkaasi oo uu kaga qeyb galayo Shir madaxeedka Afrika iyo Shiinaha.
Shirkan oo muhiimad weyn u leh xiriirka labada dhinac, ayaa lagu gorfeyn-doonaa iskaashiga dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, ganacsiga, warshadaha, caafimaadka iyo amniga.
Dowlada Soomaliya ayaa lagu wadaa in ay halkaasi ku soo bandhigto baahiyo badan la xariira adeegyada bulshada si looga caawiyo .

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed