Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

Farmaajo ” Waxaan ka digayaa in dal Shisheeye gacanta loo galiyo Hawada ”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa digniin u diray dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo ku aaddan qorshaha maamulka hawada Soomaaliya loogu wareejinayo dowlad shisheeye.

War-saxaafadeed uu  soo saaray Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu ku sheegay in uu aad uga walaacsan yahay in tallaabadaas ay wax u dhimeyso Qarannimada Soomaaliya.

Farmaajo ayaa aad u dhaliilay go’aanka dowladda Soomaaliya ay shirkad laga leeyahay Imaaraadka ugu wareejisay mas’uuliyadda maamulka hawada, isagoo ku dooday in arrintaasi ay halis gelineyso amniga qaranka, islamarkaana ay wiiqeyso horumarka laga gaaray duulista hawada Soomaaliya.

“In maamulka hawada loo igmado dowlad shisheeye kaliya ma ahan mid dib u dhac ku ah qaranimada qarankeena, balse sidoo kale waa mid lagu qiyaamay shaqada naf-hurnimada ah ee ay qabteen khubarada maxalliga ah,” ayuu yiri Farmaajo.

Waxa uu carrabka ku dhuftay in Duulimaadyada Soomaaliya ay ku talaabsadeen horumar la taaban karo, isagoo sheegay in qalab casri ah lagu sameeyay iyo in dhowr sano gudahood lagu gaaray heerka qiimaynta A ee hawada Sooomaaliya, taasi oo uu sheegay in ay ku timid dadaalkii ay sameeyeen xirfadlayaasha Soomaaliyeed.

Farmaajo ayaa ku booriyay dowladda inay dib u eegto go’aankan, isagoo carrabka ku adkeeyay in khibradaha iyo kaabayaasha ay sameeyeen Soomaalida ay ku filan yihiin ilaalinta iyo maamulka hawada si hufan oo aan shisheeye faragelin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maamulka hawada ku wareejinaysa shirkad laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta.

Shirkada NAV-PASS ayay dawladda Federaalka heshiis kula gashay aruurinta lacagaha Hawada Soomaaliya.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed