warqadan ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa timid maalin kadib markii xildhibaan Jiileey uu kasoo muuqday shir jaraaโid oo ay xildhibaano katirsan baarlamaanku ku sheegeen in ay taageersan yihiin mudaaharaadyo lagu taageerayo joogitaanka ciidamada Itoobiya oo ka dhacay degaano kala duwan oo ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
Madaxtooyada Soomaaliya oo ka xumaatay warkaas ayaa baarlamaanka ku riixaysa in tallaabo laga qaado xildhibaanada taageeray joogitaanka ciidamada Ethiopia. Warar aan si dhab ah loo hubin ayaa sheegaya in mooshin laga diyaariyay xildhibaanadaas, iyagoo lagu eedeeyay tallaabo kasoo horjeedda qaranimada Soomaaliya.
Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa waxaa ka dhex taagan xiisad adag oo ka dhalatay heshiiskii marin-biyoodka ee ay Ethiopia ay la gashay maamulka Somaliland. Soomaaliya ayaa heshiiska kaga jawaabtay inay xiriirka u jartay Ethiopia, waxayna haatan doonaysaa in ciidamada Ethiopia laga saaro dalka si loogu beddelo ciidamo ka socda Masar.