Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay natiijada kasoo baxday Imtixaan sanadka 2023-2024 oo dhowaan ay ka qaadday Arday dhan 36,035.
Imtixaanka waxaa ku baasay Arday gaaraysa 33,130 halka ay ku dhaceen 2,905 Arday sida lagu sheegay Warka kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
โSanadkan Imtixaanka fasalka 12aad waxaa si rasmi ah ugu fadhiistay 36,035 oo arday, Waxaa la baabiโiyay natiijada 2,905 arday oo lagu qabtay qish intii uu socoday Imtixaankaโ ayaa lagu yiri warka lagu shaaciyay Natiijada Imtixaanka Fasalka 12aad.
Maadooyinka ugu badan ee la baabiโiyay natiijadooda waxa ay kala yihiin:
Carabiga waxaa laga baabiโiyay 443 Arday.
Fiisigis oo laga baabiโiyay 435 Arday.
Juqaraafiga, Taariikhda iyo Xisaabta oo iyanna Arday kale laga baabiโiyay, Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in tallaabadaan ay tahay tii ugu horreysay ee Wasaaraddu qaado.