Taliyaha NISA” Ciidamada amnigu waxay ka hortageen qarax …”

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa tegay xaafadda Arbacow ee deegaanka Ceelasha Biyaha, halkaasi oo maanta laga maqlay qaraxyo xooggan.

Taliye Sanbaloolshe ayaa la kulmay saraakiisha iyo ciidamada dowladda, isaga oo ka dhageystay warbixin ku aadan howlgallada ay wadaan ciidamada amniga.

Kormeerka taliyaha ayaa ku soo aadaya xilli maanta ay laamaha amniga sheegeen in ay ka hortageen qaraxyo ay Al-shabaab isku dayeen in ay soo galiyaan gudaha magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, qarax khasaare kala duwan sababay ayaa ka dhacay degmada Garasbaaley, waxaana lala beegsaday bar kontorool oo ay ku sugnaayeen ciidamada Nabad sugida.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed