Puntland oo Howlgal hub ka dhigisa ah ka bilowday G. Mudug

Saraakiisha ciidamada amniga Puntland iyo Maamulka gobolka Mudug ayaa shir ay maanta iskugu yimaadeen waxaa looga hadlay xaalada amniga ee gobolka iyo sidii wadajir looga shaqeyn lahaa ka hortagida waxkasta oo lid ku aha amniga.

masuuliyiintan ayaa shirka ka soo saaray go’aamo amniga la xiriira oo ay ka mid yihiin in hubka dhigis lagu sameeyo dhaama dadka magaalada Gaalkacyo ku dhex wata hubka iyo in si guud loo sameeyo howlgalo ka dhan ah amniga kuwaas oo saameynaya dhamaan degmooyinka gobolka Mudug ee Puntland .

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland ayaa sheegay in howlgaladan bilaaban doonan laga bilaabo caawa shacabkana waxa uu ugu baaqay in ay la shaqeeyan ciidamada ee sugaya amnigooda .

Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland ayaa dhankiisa xoojiyay in cidii hub haysata ay ku haystaan guryahooda islamarkaan cidii howlgalka hubka dhigista ka hor timaada lala tiigsan doono sharciga isagoona talaabo adag laga qaadi doono.

Kulanka ayaa waxa uu ku soo beegmay xili magaalada Gaalkacyo aya mudooyinkii danbe ka dhaceen falal amniga lidku ah,waxaana howlgaladan bilowday la filayaa in ay waxbadan iska badali doonan amnigooda.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed