DFS” Ethiopia wax ka baxsan ganacsi ugama ogolaandoono baddeenna

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys, ayaa sheegay, Soomaaliya inay ku adkaysanayso in aysan marnaba ka tanaasuli doonin mowqifkeedii hore ee ahaa dhowrista madaxbaannida iyo Qaranimada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay habka kaliya ee Ethiopia ay galaangal ugu yeelan karto badda Soomaaliya, in ay tahay, iyadoo la raacayo  xeerarka Qaramada Midoobay ee ‘UKLAS’ kaasoo dhigaya in waddamada aan badda lahayn iyo wadamada dariska la ah ee baddaha leh ay heshiisyo la galaan oo ay markaasi helaan marin badeed.

“Ethiopia wax ka baxsan ganacsi ugama ogolaandoono baddeenna,” ayuu yiri wasiirku.

Hadalkaan ayuu wasiirku sheegay markii ay dowladda Turkiga ay sheegtay in shirka u furmaya labada dal uu kusoo dhammaan doono in Ethiopia ay galaangal u yeelato gelitaanka biyaha Soomaaliya, iyadoo usoo maraysa ogolaanshiyaha dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in heshiis kaste oo dhexmara Soomaaliya iyo Ethiopia uu ahaan doono mid aan dhibaato u gaysan doonin madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya. Waxa uu sheegay in dalkiisu ku dadaalayo in xiisadda labada lagu dhameeyo wada hadal.

Shirka maanta uga furmay labada dal magaalada Ankara ayaa la filayaa inuu noqdo shirkii ugu horreeyay oo ay labada dal is faham ku gaaraan.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed