Muxuu u baaqday kulankii Aqalka hoose ee maanta?

Kulan maanta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu ku lahaa xaruntiisa ayaa u baaqday Kooram la’aan kaddib markii ay xaadireen 130 mudane waxaana ka harsan 9 Xildhibaan sida uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golahaas Cabdullaahi Cumar Abshirow oo Shir-guddoonka ahaa.

Sababta keentay Kooram la’aanta ayuu Guddoomiye Abshirow ku sheegay in Guddiga Maaliyadda oo ka kooban dhowr & toban Xildhibaan ay ku maqan yihiin tababar ka socda Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya.

Abshirow ayaa sidoo kale sheegay in Xildhibaanno badan ay u safreen saakay Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle kuna ballameen kahor inta aysan ambabixin balse qaar kamid ah ay saxiixeen halka qaarka kale ay iska baxeen.

Waxa uu digniin kasoo saaray in kulanka kan xiga oo Arbacada ah uu u baaqdo Kooram la’aan maadaama ay jiraan Xildhibaanno u safraya dhanka Dowlad-Goboleedka Galmudug oo sanad-guuro dhiganeysa, si looga baaqda baaqasho kale waxa uu ka codsaday in ay saxiixaan liiska.

“Ilaa hadda oo ah 11:30 AM waxaa xaadir ah 130 Xildhibaan, 9 Xildhibaan oo ka maqan fadhiga si uu Kooramka u dhammaado ayuu u baaqday kulanka Baarlamaanka, Xildhibaanno badan ayaa safar ku maqan, kuwo kale ayaa u safraya Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle oo Caawa Xaflad ka qaybgalaya” Ayuu yiri Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed