Puntland oo qabtay Mid kamid ah Maxaabiistii ka baxsatay Xabsiga Gaalkacyo

Ciidamada Booliiska Puntland ayaa sheegay in uu gacanta ku dhigay Barkhad Cawil Xirsi oo kamid ahaa Afar Maxbuus oo dhowaan ka baxsatay Xabsiga Saldhigga Cirka ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Qoraal ka soo baxay Booliiska gobolka mudug ee Puntland oo lagu baahiyay barta Facebook ayaa lagu soo bandhigay sawirka Barkhad Cawil Xirsi oo gacmaha ka xiran, isla markaasna la saaray mid kamid ah gawaarida ciidamada amniga.

Sidoo kale, qoraalka Booliiska ayaa lagu sheegay in ay abaalmariyeen dadkii keenay ama la wadaagay xogta fududeysay in lasoo qabto Barkhad Cawil Xirsi, waxa ay Laamaha ammaanka dalbadeen in laga qayb qaado soo qabashada Maxaabiista kale ee baxsatay.

 

“Ciidanka Booliska Puntland ayaa gacanta ku dhigay Barkhad Cawil Xirsi oo ka mid ahaa Afar maxbuus oo kafakaday xabsiga Galkacyo, kuwaas oo ahaa danbiilayaal dil sugayaal ah  kana tirsanaa shabakad argagixiso ah oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo horayna u dilay  haldoor badan oo kamid ahaa Gobalka” ayaa lagu yiri qoraalka Booliiska DG Puntland.

Waxaa lasii raaciyay “Ciidanka Booliska Puntland ayaa abaal mariyay muwaadinkii keenay xogta dilaaga Argigixisada ah ee Barkhad Cawil Xirsi, Sidoo kale waxaa wili baxsad ah, Cabdiqani Saleebaan Jaamac (Sayloor), Cabdullaahi Faysal Xuseen (Abuujonge) & Cabdiraxmaan Awal Maxamed (Siigayste)”.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed