Guddiga dib u eegista Dastuurka oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Xubnaha guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgalinta Dastuurka BJFS oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah ee ay u xilsaaranyihiin ayaa maanta shir ku yeeshay xafiiskooda Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
kulanka oo uu shir guddoominayey guddoomiyaha guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgalinta Dastuurk ee BJFS Xildhibaan Xuseen Qaasim Yuusuf (Iidow) , ayaa ajandihiisu ahaa dejinta qorshe howleedka guddiga ee ku aaddan kalfadhiga 5-aad ee BFS iyo dib u eegista cutubyada 𝟓-𝐚𝐚𝐝 ilaa 𝟗-𝐚𝐚𝐝 ee Dastuurka KMG oo ay guddigu horay ugu direen guddiga madaxa-bannaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka, si ay ugu soo sameeyaan dib u eegis ugana dhigaan luuqad Dastuur.
Howshaas oo guddigu ku guda jiro, isla markaana la marayo wajigii latashiyada dadweynaha ayaa dhowaan waxaa soo dhammaanaya qabyo qoraalkeeda koowaad.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed