Masar iyo Jabuuti oo ciidamo u balanqaaday Soomaliya

Midowga Afrika ayaa bilaabaya hawlgalka taageerada iyo xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) Janaayo 2025, isagoo beddelaya howlgalka ATMIS ee hadda ka jira Soomaaliya.

Waxaa la sheegay in howlgalkan cusub uu taageero gaar ah ka heli doono dowladaha Masar iyo Jabuuti, kuwaasi oo ballanqaaday inay ciidamo ku taageeridoonaan (AUSSOM).

Hawlgalka cusub wuxuu ku soo beegmayaa marxalad xasaasi ah. Dowladda Soomaaliya waxay markii hore rabtay inay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga dalka dhammaadka sanadkan 2024.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo xaaladda ammaanku ay tahay mid khatar ah, u gudubka AUSSOM ayaa loo arkaa tallaabo lagama maarmaan ah si loo xaqiijiyo sii wadida iyo waxtarka dadaallada nabad ilaalinta.

Ballanqaadka Masar ee ah in ay ciidamo u daabusho Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa kusoo aadaya kaddib markii dowladda Soomaaliya ay dalbatay in Itoobiya laga saaro howlgalkaas, haddii aysan joojin heshiiska muranka badan dhaliyay ee dhanka badda ah oo ay la gashay Somaliland.

Dowladda Masar oo si weyn uga soo horjeesatay heshiiska is-afgaradka (MoU) ayaa muujisay sida ay diyaarka ugu tahay in ay Soomaaliya ka difaacdo duulaan kasta oo ay Itoobiya ku soo qaadi karto.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed