Macaliimta Puntland oo canshuur lagu soo rogey

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda waxbarashada dowlad goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in macalimiinta deegaannada maamulkaasi ka howlgalla ay ku waajibtay canshuur.

Warqada ka soo baxday Puntland ayaa waxaa si toos ah loogu diray Dhammaan Gudoomiyayasha Waxbarashada ee Gobolada Puntland iyo Maamulayaasha Goobaha Waxbarashada ee Puntland.

Lacagtaan canshuurta ayaa wasaaraddu sheegtay in bixin doonaan dhammaan macalimiinta kala duwan ee Dugsiyada iyo Jaamacadaha.

“Waxaa la farayaa dhammaan Masuuliyiinta Warqaddaan sida tooska ah ugu socoto iyo macalimiinta ka shaqeeya Dugsiyada Hoose/Dhexe/Sare iyo Macaahida, Jaamacadaha Puntland in ay bixiyaan cashuurta ku Waajibtay Mushaharkooda Bil walba’ah iyadoo laraacayo si’waafaqsan nadaamka cashuuraha Dawlada Puntland. Sidoo kale waa in ay ku muujiyaan Cashuurta heshiishka ay la galayaan Macalimiinta” ayaa lagu qoraalka ka soo baxay wasaaradda waxbarashada Puntland.

Ugu dambeyn, qoraalka ayaa lagu sheegay in Cashuurta Mushaarka Macalimiinta in ay dhaqan gali doonto bisha September 2024.

Hore sidaan oo kale Dowladda Federaalka gaar ahaan wasaaradda waxbarashada ay cashuur ku soo rogtay macalimiinta, taasi ay cabasho badan ka dhalatay.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed