Golaha wasiirada oo ansixiyay Sharciyada doorashooyinka iyo Xisbiyada Siyaasadda

Golaha Wasiirrada ayaa maanta ansixiyey, Xeerka Doorashooyinka iyo Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda oo lagu hagayo hannaanka doorashooyinka dalka.

Shirka Golaha Wasiiradda ayaa waxaa guddoomiyay Ra’iisul wasaare Xamse, iyada oo golaha ay cod u qaadeen xeerarka la horkeenay.

Afhayeenka Xukuumadda, Farhan Jimale oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in golaha wasiiradda ay si aqlabiyad leh ku ansixiyeen sharcigaan.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa tilmaamay xeerka muhiimad gaar ah siinayo in doorasho doorasho qof iyo cod oo ka dhaceysa dhammaan dalka.

“Xeerkaan doorashada waxaa uu xaq siinaya shacabka Soomaaliyeed in ay doortaan madaxdooda, taasi oo Soomaaliya ugu dambeysay muddo 55 sano ka hor ah” ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda, Farxaan Jimale.

Sharciga doorashooyinka ayaa qeexaya in dalka ay dhici doonto doorasho qof iyo cod, waxaana uu rasmi noqon karaa markii ay ansixiyaan labada gole ee baarlamaanka, isla markaasna saxiixo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed