Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyay xeerka qaran ee shaqada

Golaha shacabka ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka xeerka shaqada Soomaaliya. Hindisahan ayaa helay taageero, kaddib markii 138 mudane ay u codeeyeen, halka afar mudane ay ka soo horjeesteen, midna uu ka aamusay.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, wuxuuna caddeeyay in xeerkaan uu ansax yahay kadib codeyntiisa.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay meel marinta sharcigan inuu yahay  tallaabo muhim ah oo horey loo qaaday, iyadoo la hiigsanayo in kor loo qaado xeerarka shaqada iyo ilaalinta shaqaalaha.

Xeerka shaqada, sidoo kale loo yaqaan sharciyada shaqada, waa xeerar nidaamiya xiriirka ka dhexeeya loo shaqeeyaha, shaqaalaha, ururada shaqaalaha, iyo sidoo kale dawladda. Sharciyadan waxaa loo dejiyay si loo hubiyo in si cadaalad ah loola dhaqmo shaqaalaha, korna loogu qaado xaaladaha shaqada, loogana hortago dhiig-miirashada.

Xeerkaan ayaa ka hadlaya arrimo badan oo kala duwan oo ay ku jiraan mushaharka, saacadaha shaqada, takoorka, caafimaadka iyo badbaadada shaqaalaha.

Lama oga waxa uu ka beddeli karo xeerkaan xaaladaha shaqo ee dalka. Inkastoo inta badan xeerarka uu meel mariyo baarlamaanku aysan noqon kuwa lagu dhaqmo ama dhaqan gala.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed